4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 17, 2018
Madaxweynaha Galmudug oo sameeyey magacaabis

Isniin, September, 17, 2018 (HOL) –Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Galmudug,Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maamul cusub u magacaabay degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Xaaf ayaa u magacaabay, guddoomiyaha degmada Balanbale Jaamac Xeyle Maxamed oo mar soo noqday guddoomiyaha degmadaas,halka ku-xigeen loogu magacaabay Cabdirisaaq Axmed Xalane.

Wareegtadan oo ku taariikheysan 15/9/2018 ayaa waxaa lagu sheegay in maamulkaan ay xilka siiheyn doonaan inta laga soo dhisayo Golle deegaan iyo Guddoon ku dhisan doorasho xor ah.


Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]