4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 17, 2018
Wafdi ka socda Golaha Aqalka sare oo u ambabaxay magaalada Baydhabo

Isniin, September, 17, 2018 (HOL) – Qaar ka mida xildhibaanada Aqalka sare ee loo xilsaaray xallinta khilaafka ka dhex jira maamul gobolleedyada iyo dowladda dhaxe ayaa u ambabaxay goor dhow magaalada Baydhabo ee dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed.

Wafigan oo uu hoggaaminayo Senator Cabdullaahi Cali Garuun, ayaa waxaa ka mid ah Senator Xuseen Xaaji Cali,Senator Sam Sam Ibraahim Cali,Senator Axmed Macallim Cumar (Axmed Nadiir),Senator Faadumo Xasan Aadan Gariyow,Aadan Cabdi Aadan, Cabdifitaax Macallim Xasan,Maxamed Cali Maxamed Rooble iyo Ismahaan Fu’aad Xasan.

Xubnahani xallinta khilaafaadka labada dhinac ayaa waxaa lagu wadaa marka ay gaaraan Baydhabo  in ay la kulmaan Madaxda Koonfurgalbeed,taasi oo qayb ka ah dadaalka dhexdhaxaadinta labada dhinac.

Wafdigan waxaa ka horreeyay wafdi kale oo golaha Aqalka sare uu u direy magaalada Garoowe ee xarunta Puntland,waxaana arrintan ay ka dambeysay markii aqalka sare ay u magacaabeen guddiga xallinta khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Khilaafka u dhaxeeya dowlad goboleedyada iyo dowladda dhaxe ayaa soo ifbaxay ka dib markii ay madaxda maamul goboleedyada oo shir ku yeeshay Kismaayo ay sheegeen in ay xiriirkii u jareen dowladda dhexe.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]