4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 17, 2018
Eng. Yariisow " Waxaan rajeynayaa inay u dhega nuglaadaan madaxda dowlad-gobolleedyada baaqa madaxweyne Farmaajo"

Isniin, September, 17, 2018 (HOL) –Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho,Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow)  ayaa ka dalbaday hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada dalka inay u dhega nuglaadaan  baaqa madaxweyne Farmaajo.

Wuxuu sheegay inay muhiim-tahay si hoose in lagu xalliyo wixii tabasho jirta oo aan loo baahneyn dad shisheeye oo kala- dhex gasha,taaso oo u sheegay in lugu gaari karo marka madaxda dowlad-gobolleedyada ay qaataan baaqa madaxweynaha dowladda dhexe ee federaalka ah,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

"Waxaan rajeynayaa saaxibadey aan ka wada tirsanahay Golaha Amniga Qaranka inay u dhega nuglaadaan oo ay qaadan doonaan baaqa Madaxweynaha ." ayuu yiri Eng. Yariisow oo madaxweynaha uga mahadceliya shirka uu ku baaqay oo u ku sheegay inuu tusayo qof walba sida madaxweynaha u yahay Nabadoon doonaya in xal waara laga gaaro dhammaan wax kasta ee tabasho ah, wada hadalna lagu dhameeyo.

Madaxda dowlad-gobolleedyada ayaa sharuud ku xirey ka qaybgalka shirka golaha amniga ee u ku baaqay madaxweyne Farmaajo,kaas oo lugu ballansanaa Isniinta maanta ah inuu ka furmo magaalada Muqdisho.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]