4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 17, 2018
Baarlamaanka Soomaaliya oo ka dooddaya amniga magaalada Muqdisho

Isniin, September, 17, 2018 (HOL) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lugu wadaa in ay maanta dood ka yeeshan amniga caasimadda Muqdisho, sida u xaqiijiyay xildhibaan la hadlay Hiiraan Online.

Kulan Baarlamaanka oo noqonaya kulanka labaad ee kalfadhiga afaraad ayaa xildhibaannada waxaa farriin qoraaleed lugu wargaliyay ajandaha kulanka Isniinta maanta ah oo noqonaya ka doodista xaaladda amniga ee Muqdisho.

"Waxaa suragal ah hay'adaha amniga in kulanka loogu yeero si su'aalo loo waydiiyo mase cadda wali." ayuu yiri xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka.

Doodda xildhibaannada ee amniga caasimadda Muqdisho ayaa ku soo aadaysa ,kaddib markii habeen hore Xildhibaan ,Maxamed Mursal Boorow oo golaha shacabka ka tirsan uu dhaawac culus ka soo gaaray qarax loogu xiray gaarigiisa, qaraxa waxaa ku dhintay darawalkiisa.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]