4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 17, 2018
Muwaadiniin u dhashay dalka Iiraan oo afduub loogu heysto gudaha Soomaaliya

Isniin, September, 17, 2018 (HOL) –  Kalluumaysato u dhashay dalka Iiraan ayaa gudaha Soomaaliya u afduuban kooxda al-Shabaab iyo kooxo kala duwan oo lugu sheegay burcad badeed, sida ay baahisay warbaahinta gudaha oo xiganaysa xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Iiraan.

Abdulqafur Iranejad , oo ah xildhibaanka warka laga soo xigtay wuxuu sheegay in 18 Kalluumeysato Iiraaniyiin ah ay gacanta ku hayaan burcad  Soomaali ah  iyo kooxo ka tirsan Al-Shabaab.

"4 ka mid ah kalluumaysata  waxay u xiranyihiin kooxo burcad badeed ah oo kala duwan halka 14 kalena ay u xiranyihiin kooxda al-Shabaab."ayuu yiri xildhibaan Abdolqafur Iranejad oo inta ku daray in goor hore la sii daayay 4 kalluumeysato Iraaniyiin ah.

Wuxuu xaqiijiyay inay socdaan dadaallo lagu sii deynayo Kalluumeysatada afduubka loo heysto, ma jirto warbixin ka soo baxday hay'adaha ammaanka Soomaaliya oo looga hadlay muwaadiniinta u dhashay Iiraan ee u afduuban burcad badeed Soomaali ah iyo kooxda al-Shabaab.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]