4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 17, 2018
Dib u dhac ku yimid kulan maanta Muqdisho uga furmi lahaa dowladda dhexe iyo madaxda dowlad gobolleedyada

 

Isniin, September, 17, 2018 (HOL) – Dib u dhac ayaa ku yimid shirkii wadatashiga ahaa ee uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada, kaa oo uu qorshuhu ahaa in 17ka bishan oo maanta ku beegan ka furmo magaalada Muqdisho.

Dib u dhacay ayaa loo sababeynayaa kadib markii madaxda maamul goboleedyada dalbadeen in ka hor shirka la siiyo sida ay hadalka u dhiggeen dammaanad qaad buuxa oo siyaasadeed, islamarkaana la helo gacan kale oo saddexaad oo arrimaha leysku hayo dhax-dhaxaadisa.

Qodobbada looga hadli lahaa shirka waxaa ka mid ah arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab iyo Daacish, hirgelinka siyaasadda loo dhan yahay iyo ka shaqeynta arrimaha horumarinta dhaqaalaha, si dalka loo gaarsiiyo isku filnaasho iyo horumar waara.

Golaha Amniga Qaranka waxaa qeyb ka ah Madaxda maamul goboleedyadda oo shir ay ku yeesheen dhawaan magaalada Kismaayo kaga dhawaaqay in ay hakiyeen xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda Soomaaliya, ilaa amar dambe.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa waxa ay sheegeen in dowladda federaalka ay ka gaabisay in maamul goboleedyada ay kala hadasho tabashadooda, midaasina aanan loo baahneyn, waxaa hada socda dadaalo ay wadaan aqalka sare oo ay isugu soo dhaweynayaan dhinacyadan uu khilaafka ka dhaxeeyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]