4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 16, 2018
Amiirka dalka Qadar oo amar ku bixiyay si sharci ah inay dalkaa uga shaqeystaan muwaadiniinta Soomaaliyeed

Axad, September, 16, 2018 (HOL) – Amiirka dalka Qadar ,Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani ayaa amar ku bixiyay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadda jooga loo ogalaado si sharci ah inay uga shaqeystaan dalka Qadar,sida u sheegay safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya ay dhawaan u magacowday Qadar.

Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali oo horey usoo noqday safiirka Soomaaliya ee dalka Cummaan oo hadda noqonaya safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya Qadar  ayaa maanta si rasmi ah waxaa waraaqaha aqoonsiga uga guddoomay Amiirka dalka Qadar ,Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani , wuxuuna marka u gudbiyay codsi iyo salaan uu uga sidey madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

" Madaxweyne Farmaajo ayaan u sheegay in Amiir Tamim aan la kulmayo, wuxuu ii sheegay inan ka gaarsiiyo salaan iyo codsi ah in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo ogaalado inay ka shaqeysan karaan dalka Qadar... markiiba Amiirka wuxuu amar ku bixiyay in si sharci ah ay ku shaqeysan karaan muwaadiniinta Soomaaliyeed." ayuu yiri Danjire Cabdirisaaq Faarax .

Horey muwaadiniinta sita baasaboorka Soomaaliga awood uma lahayn inay si sharci ah uga shaqeystaan dalka Qadar ,maaddaama baasaboorka Soomaaliga aan lagu qaadan iqaamadda dalka Qadar,waxaana talaabada ay dowladda Qadar ku ogaalatay in muwaadiniita Soomaalida ay heli karaan sharciga u ogaalanaya inay ka shaqeystan dalka ay muhiimad weyn u lahayd bulshada Soomaaliyeed ee howlaha ganacsi u taga Qadar.

Dowladda Qadar ayaa ka mid ah waddamada taageerra Soomaaliya,waxaana labada dal ka dhaxeeya xiriir wanagsan,iyadoo la xasuusto dowladda Soomaaliya inay ka soo horjeesatay go'aankii dowladaha khaliijka ay ku go'doomiyeen dowladda Qadar.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]