4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 16, 2018
Jeddah: Itoobiya iyo Eritrea oo kala saxiixday heshiis nabadeed

Axad, September, 16, 2018 (HOL) – Ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed iyo madaxweynaha dalka Eritrea,Isaias Afwerki ayaa Axadda maanta ah ku saxiixay magaalada Jeddah ee  dalka Sacuudi Carabiya heshiis nabadeed,kaas oo ka dhigan  heshiiskii nabadda labaad ee la gaarey tan iyo bishii Luulyo.

Boqortooyada Sucuudiga ayaa door weyn ku laheyd heshiiska Itoobiya iyo Eritrea oo lagu soo afjaray colaaddii labada dal u dhaxeysay muddo labaatan sanno ah, isla markaana uu caadi ku soo laabtay xiriirkii labada dal.

Heshiiska "wuxuu gacan ka geysan doonaa xoojinta amniga iyo xasiloonida gobolka," ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudi Carabiya,Adel al-Jubeir.

Abiy iyo Afwerki waxay saxiixeen heshiiska iyadoo ay goobjoog u ahaayeen  Boqor Salman, Dhaxalsugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutterres iyo mas’uuliyiin kale.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan heshiiska nabadda ee lagu saxiixay Jeddah si dhakhso ah looma helin, heshiiskan-se wuxuu soo gabagabeynayaa dagaalkii labada dal u dhexeeyay muddada labaatanka sanno ah,sida ay baahisay warbaahinta gudaha Sacuudiga.

Boqorka Sucuudi Carabiya Salman Bin Cabdulcasiis oo biladdii ugu sareysay ee Boqortooyada guddoonsiiyay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed  iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa soo dhaweeyay heshiiska nabadda ee ay saxiixeen, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa soo warisay in sidoo kale dowladda Imaaraadka Carabta ay si gaar ah u tixgelisay heshiiska.

Hogaamiyaasha Itoobiya iyo Eriteriya ayaa u safray dalka Imaaraadka Carabta toddobaad un kaddib markii ay bishii July gaareen heshiiskii nabadda ee dib usoo celiyay xiriirka labada dal, mase cadda inta uu la'egyahay doorka Imaaraadka Carabta ee heshiisyada nabadda iyo dadaallada lugu xoojinnayo xiriirka Itoobiya iyo Eriteriya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]