4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 16, 2018
Guddiga doorashooyinka Sweden oo natiijada rasmiga ah shaaciyay

Axad, September, 16, 2018 (HOL) –Guddiga doorashooyinka Sweden wuxuu sheegay in xisbiga talada haya ee Social Democratic uu ku guuleystay codadka ugu badan ee doorashooyinkii Baarlamaaniga ee Sweden ka dhacay sagaalkii bishaan September.

Xisbiga ra’iisul wasaare xilka haya, Stefan Lofven ee Social Democrats ayaa helay 28.3 boqolkiiba codadki la dhiibtay,waxaa ku xiga  xisbiga middig dhexe ee ay siyaasaddiisu dhexdhexaadka tahay oo keenay 19.8 boqolkiiba halka xisbiga Sweden Democrats uu ku guuleystay codad dhan 17.5 boqolkiiba,sida ku cad natiijada rasmiga ah ee soo baxday Axadda maanta.

Natiijada soo baxday dhinacna awood masiin,maaddaama saddexda xisbi ee doorashada ku loollamay midkoodna uusan helin aqlabiyadda baarlamaanka oo ka kooban 349 kursi si uu u soo dhiso dowlad.

Labada xisbi ee ugu codadka badan ayaa diiday in ay dowlad wadaag la galaan xisbiga midigta fog ee Sweden Democrats, kaasoo lagu yaqaano sagooli naceybka iyo siyaasadda ah in Sweden laga saaro Midowga Yurub.

Muddada ay socdaan wadahadallada ay xisbiyada ku doonayaan in ay ku soo dhisaan dowlad wadaag ah, waxay Sweden u noqon maalmo ay wajaheyso daganaasho la'aan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]