4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 16, 2018
Booliska gobolka Banaadir oo billaabay howlgal ka dhan ah dadka sameeya Dukumiintiyada been abuurka

Axad, September, 16, 2018 (HOL) –Ciidammada booliska Soomaaliya ayaa ka billaabay caasimadda Muqdisho howlgallo ka dhan ah dadka sameeya Dukumiintiyada been abuurka, waxaa howlgalka markiiba boggaadiyay guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Howlgallada ay ciidammada billaabeen ayaa la sheegay in lugu soo qab qabtay qaar ka mid ah dadka sameeya Dukumiintiyada been abuurka, waxaana guddoomiyaha gobolka,Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) uu sheegay in maamulka gobolka Banaadir ay ka hirgeliyeen degmooyinka gobolka, xafiisyada qaabilsan bixinta dukumiintiyada sharciga ah ee ay u baahan yihiin shacabku.

"Waxaan kula dardaarmayaa bulshada gobolka in ay hubiyaan Dukumiintiyada sharciga ah ee ay heystaan, sababtoo ah maanta hay’adaheenna dawladeed waxa ay u diyaarsan yihiin hubinta iyo xaqiijinta dukumiintiyo shaqsiyadeed sida baasaboorrada, shatiyada ganacsiga, dhalashada iyo sugnaanta ." ayuu yiri Eng. Yarisow.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in Xeer Ilaalinta Qaranku ay si deg deg ah u hor-keento eedaysanayaasha la soo qabtay maxkamadda gobolka, arrinkaas oo horseedaya in guul laga gaaro olalaha ka dhanka ah musuq maasuqa iyo dukumiintiyada been abuurka ah,sida u sheegay.

Gabagabadii, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho wuxuu faray Ciidanka Ilaalada deegaanka Xamar iyo Waaxaha gobolka oo kaashanaya Ciidanka Booliska in ay soo xiraan xarumaha sameeya dukumiintiyada aan sharciga ahayn iyo goobaha ganacsi ee lagu howl geliyey shatiyada been abuurka ah.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]