4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 16, 2018
Dhuusamareeb: Guddi doorasho oo la magacaabay iyo doodda mooshinka madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo billaabatay

Axad, September, 16, 2018 (HOL) –Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad-gobolleedka Galmudug ayaa maanta ka doodday mooshin laga keennay madaxweyne ku-xigeenka Galmudug,Maxamed Xaashi Carabey,iyadoo dhinaca kale la magacaabay guddi doorasho.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug,Maxamed Xaashi  ayaa xildhibaannada mooshinka ka soo gudbiyay waxaa ay ku eedeyeen xil-gudasho la’aan iyo in uu ku xadgudbay Dastuurka.

Dood-dheer oo xildhibaannada ay ka yeesheen mooshinka laga soo gudbiyay madaxweyne ku-xigeenka waxaa ay ku ballameen in maalinta berri-to ah codka kalsoonida loo qaado mooshinka,sida uu kulanka ka sheegay guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali  Xareed oo kulanka shir guddoominayay.

Docda kale,Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Galmudug,Xareed Cali Xareed ayaa ku dhawaaqay in la sameeyay guddiga doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, isagoo tilmaamay in la dhisay guddi ka kooban 11 xubnood, kuwaasoo ka soo shaqeynaya howlaha doorashada.

Khamiistii la soo dhaafay ayaa xildhibaannada Galmudug ee ku sugan Dhuusamareeb waxaa ay xilka ka qaadeen guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir, iyadoo kulan kale oo ay yeesheen xildhibaannada Galmudug ee ku sugan Cadaado ay sheegeen inay xilka ka qaadeen Madaxweyne Xaaf.

Xaaladda siyaasadeed ee maamul-gobolleedka Galmudug ayaa sii cakirantay kaddib markii khilaaf uu soo kala dhexgalay hoggaanka sare ee maamulka, taas oo sabab u noqotay Baarlamaanka dowlad-gobolleedka inuu labo garab noqdo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]