4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 16, 2018
Wasiir Maryan Axmed " Kiiska gabdhaha u geeryooday gudniinka Fircooniga kama dhicin Puntland"

Axad, September, 16, 2018 (HOL) –Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland,Maryan Axmed Cali ayaa sheegtay in deegaannada Puntland uusan ka dhicin kiiska labo gabdhood oo u geeryoodey markii lagu sameeyay gudniinka fircooniga.

Aasiyo Cabdi Warsame oo 10 jir ah  iyo walaasheed Khadijo oo 11-jir ayaa toddobadkii hore ku geeryooday isbitaalka degmada Bursaalax ee gobolka Mudug, kaddib  xaalad caafimaad oo la soo gudboonatey markii la sheegay in lagu sameeyay gudniinka fircooniga.

"Waxaan u tacsiyeenaya qoyska ay ka geeryoodeen labadii gabdhood.. Waxaan kalo rabaa inan caddeeyo kiiska gudniinka fircooniga ah inuusan ka dhicin deegaannada Puntland, arrintan waxay ka dhacday dhulka Soomaalida Itoobiya, gaar ahaanna gobolka Doollo, degmada Galxamur, tuullada Dorodo deegaanka Abis oo ka tirsan Soomaali Itoobiya gobolladeeda." Wasiir Maryan Axmed  ayaa sida sheegtay.

Wasiirka Haweenka Puntland oo warbaahinta kula hadashay magaalada Garoowe ayaa waxaa kalo ay xaqiijisay in Puntland loo keennay gabdhaha geeryooday xaalad caafimaad,iyadoo inta ku dartay wasaaradda iyo hay'adaha kale ee Puntland inay dadaal badan ku bixinnayaan sidii bulshada looga wacyi gelin  lahaa gudniinka Fircooniga.

Gabar 10 jir ah ayaa bishii Luulyo u geeryootey gudniinka fircooniga ah gudaha Soomaaliya, waxaana la aaminsanyahay  98%  dumarka Soomaaliyeed in lagu sameeyo gudniinka fircooniga ah,iyadoo warbixin ay Qaramada Midoobay  baahisay lugu sheegay maalyiin dumur ah inuu gudniinkan saameeyay caalamka oo dhan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]