4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 16, 2018
Puntland: Maxkamadaha gobolka Mudug oo qarka u saaran inay xirmaan

Axad, September, 16, 2018 (HOL) –Guddoomiyaha maxkamadda racfaanka gobolka Mudug,Sheekh Aadan Maxamed Faarax ayaa sheegay maxkamadaha gobolka Mudug inaysan helin muddo ku dhow lix bilood ah wax dhaqaalo ah, taas oo haddii ay sii socoto keenaysa inay istaagto adeegga garsoorka ee gobolka, sida u sheegay.

Guddoomiyaha maxkamadda racfaanka , wuxuu u direy guddoomiyaha gobolka Mudug warqad uu ku wargelinayo in sannadkan tan iyo bishii April inaysan maxkamadaha helin mushaar iyo adeegyadii ay shaqada ku socon lahayd.

"Garsoor kasta xuquuqdiisa waxaa la raaciyay gobolka uu ka howlgalo garsoorka gobolka Mudug ma helin xuquuqdii uu ku shaqeyn lahaa iyo adeeggii maxkamadaha." ayaa lugu yiri warqada uu Guddoomiyaha maxkamadda racfaanka gobolka Mudug u direy guddoomiyaha gobolka.

Xafiiska guddoomiyaha gobolka, kama soo jawaabin cabashada garsoorka gobolka, sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta maxkamadaha gobolka Mudug.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]