4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 16, 2018
Diyaaradaha dagaalka Israa'iil oo duqeeyay garoonka diyaaradaha Dimishiq

Axad, September, 16, 2018 (HOL) –Diyaaradaha dagaalka Israa'iil ayaa gantaallo ku weerarray garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhimishiq , sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Warbaahinta maxalliga ee Sanca oo soo xigatay iloo wareedyo militariga ayaa sheegay in laga hortagay tiro ka mid ah gantaaladaasi ,isla markaana lugu burburiyay hawada.

Weerarka oo xilli dambe oo xalay ah ka dhacay garoonka diyaaradaha Dhimishiq , ma jiro warbixin ka soo baxday dowladda Suuriya oo weerarka lugu faahfaahiyay, halka dhinaca Israa'iil aysan wali wax jawaab ah ka bixin weerarkii gantaalada ee lala beegsaday garoonka diyaaradaha Dhimishiq .

Israa'iil ayaa tan iyo bishii May ee sannadkan waxaa ay weerarro kala duwan ka geysatay dalka Suuriya, iyadoo la xasuusto weerar isla bisha ay ka fulisay  Israa'iil  saldhigyo militariga Iiraan ay ku lahaayeen gudaha Suuriya kaddibna Iiraan waxay gantaal ku tuurtay Israa'iil.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]