4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 16, 2018
Guddiga Golaha Aqalka sare ee xallinta khilaafka dowladda dhexe iyo maamul-gobolleedyada oo gaaray Garoowe


Axad, September, 16, 2018 (HOL) –Guddi uu Aqalka sare u saaray xallinta khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad-gobolleedyada xubno ka mid ah ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Wafdiga waxaa magaalada Garoowe ku soo dhaweeyey guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland,Axmed Cali Xaashi ,guddoomiyaha guddiga xallinta khilaafaadka u xilsaareen Aqalka sare dhinaca Puntland Sanatar Cabdiraxmaan Faroole iyo mas'uuliyiin kale.

"Mas'uuliyada aqalka sare waxay tahay xallinta khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada." ayuu yiri Sanatar Cabdiraxmaan Faroole  oo la hadlay BBC-da, wuxuu inta ku daray in guddiga ka socda aqalka sare ay awood u leeyihiin in ay xalliyaan khilaafka labada dhinac baaxdu doono ha lahaadee.

Guddiga ayaa kulamo la qaadan doona  madaxda Puntland taasi oo qayb ka ah dadaalka dhexdhaxaadinta labada dhinac, waxaana marka ay howshooda u soo dhamaato ay warbixin buuxda u gudbin doonaan aqalka sare si go'aan looga gaaro,sida u xaqiijiyay Sanatar Cabdiraxmaan Faroole.

Golaha Aqalka sare oo shalay kulan ku yeeshay xarunta golaha ayaa si wadar-ogol ah ku ansixiyay go’aankii guddiga joogtada uu gaaray September 12, 2018 oo ahaa in loo diro guddiga xallinta khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul gobolleedyada, khilaafka labada dhinac ayaana soo ifbaxay ka dib markii ay madaxda dowlad-gobolleedyada oo shir ku yeeshay Kismaayo ay sheegeen in ay xiriirkii u jareen dowladda dhexe ee federaalka ah.

Xubnaha golaha Aqalka sare ee gaaray Garoowe:

1. Sen. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) Guddoomiye

2. Sen. Maxamuud Axmed Maxamuud (Mashruuc)

3. Sen. Siciido Xasan Cusmaan

4. Sen. Xuseen Sheekh Maxamuud

5. Sen. Cusmaan Axmed Macow

6. Sen. Mustaf Maxamed Qodax

7. Sen. Bootaan Barre Samatar

8. Sen. Cabdisalaan Xaaji Maxamuud Dheere

9. Sen. Farxaan Cali Xuseen

10. Sen. Hodan Maxamuud Cusmaan

11. Sen. Ayuub Ismaaciil Yuusuf

12. Sen. Shukri Adam Maxamed

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]