4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 16, 2018
Libaax Dhedig ah oo weerar ka geysatay dalka Jabuuti

 

Axad, September, 16, 2018 (HOL) –Wararka ka imanaya degmada lagu magacaabo Duuda ee wax yar 20km u jirta caasimada Jabuuti ayaa sheegaya in Libaax Dhedig ah uu dad ku weeraray.

Wararku waxaa ay sheegayaan in gooshan dhibaatada geystay ay labo cisho ka hor ka baxsataygoob lagu xannaaneyo duurjoogta dalka Jabuuti

Dhaawac halis ah ayeey soo gaarsiisay gooshan saddex ruux oo ka mid ahaa dadka deegaanka Duuda sida u sheegay xildhibaan laga soo doorto deegaankaas oo intaa ku daray in ay gurmad ku sameeyeen dadka ay wax yeelladu soo gaartay.

Dadka deegaanka ayaa cabasho ka muujiynaya dhibaatada ay gaystaaan xayaawan-nada duur joogta ee ka baxsado seerayaasha lagu hayo.

Hasse ahaatee saraakiisha ka shaqeysa arrimaah duurjoogta ayaa hadda amar ku bixinaya in la dilo gooshan oo laga yaabo in ay dhibaato kale geysato.

Inta badan marka la eego xayaawanka wax dila ee lagu dhax xannaaneeyo gudaha magaalooyinka ayaa dhibaato xoog leh geysta dadka marka ay ka fakadaan ama ka baxsadaan xerayaha lagu hayo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]