4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 16, 2018
Waa sidee xaalada caafimaad xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo qarax lagu dhaawcay

 

Axad, September, 16, 2018 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaliya Xassan Cali Kheyre oo ay wehliyaan xubno ka tirsan guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalay ku booqday Isbitaalka Digfeer xildhibaan Maxamed Mursal Booroow oo dhaawac culus ka soo gaaray qarax loogu xiray gaarigiisa.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxu uu siweyn u haleelay qeybaha kala duwan ee jirkiisa, sidoo kalana uu ku waayay sida la sheegay mid ka mid ah gacmihiisa.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in dowladda ay la socon doonto xaaladda Xildhibaanka, waxaana sidoo kale dhintay darawalkii waday gaarigiisa.

Xildhibaanka ayaa xalay gaari Hilex ah oo uu saarnaa uu ku qarxay xilli uu maraayay Agagaarka Madaxtooyadda Soomaaliya gaar ahaan dhanka Tiyaatarka Qaranka.

Maalmihi ugu danbeeyayba magaalada Muqdisho waxaa sii kordhayay qaraxyada iyo dilalka ay fulinayaan kooxo ka tirsan Ururka Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]