Sabti, September, 15, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa gaaray Jeddah, si ay u saxiixaan heshiis nabadeed oo udhaxeeya labada dal.
Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Abdulaziz ayaa martigaliyay shirka ay wadaagayaan Itoobiya iyo Eritrea , kaas oo Axadda ay ku saxiixi doonan heshiis nabadeed.
Munaasabadda saxiixa heshiiska ayaa waxaa goobjoog ka noqon doona xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobey,Antonio Gutters iyo Madaxa Midowga Afrika, Mousa Faki.
Bishii July madaxda Itoobiya iyo Eritrea ayaa gaaray heshiis lagu soo afjaray colaaddii muddada labaatanka sanno u dhaxeysay labada dal, waxaana dib u soo laabtay xiriirkii diblomaasiyadeed.
Doorka Sucuudi Carabiya ku lahaa is beddelada ka socda gobolka Geeska Afrika ayaa muddooyinkii u dambeeyay soo xoogeysanayay, waxaana la sheegaa in Sucuudiga ahaa maskaxdii ka dambeysay heshiiska Eritrea iyo Itoobiya.