4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 15, 2018
Milateriga Itoobiya oo duqeyn ku diley 70 dagaalyahanno Al-Shabaab ah



Sabti, September, 15, 2018 (HOL)– Milateriga Itoobiya ayaa sheegay inay duqeyn ku dileen ku dhawaad 70 dagaalyahan oo ka tirsan ururka al-Shabaab, sida ay baahisay warbaahinta dowladda Itoobiya.

Taliyaha ciidammada cirka Itoobiya, Jen Yilma Merdassa ayaa u sheegay FANA in diyaaradaha milateriga Itoobiya ay beegsadeen dagaalyahannada al-Shabaab oo qorsheynayay inay weerarro ka geystaan saldhig ciidammada AMISOM.

Jen Yilma , waxaa kalo u sheegay in duqeynta lugu gubey labo ka mid ah gaadiidka ay wateen dagaalyahannada al-Shabaab, gaadiidka ayaa sida uu sheegay taliyaha ciidanka cirka Itoobiya waxaa kooxda ay ku diyaarisey waxyaabaha qarxa oo ay qorsheynayeen inay ku weerarran saldhigga ciidanka AMISOM.

" Boqolkiiba boqol waan ku guuleysanay qorshahannaga." ayuu yiri Jen Yilma Merdassa.

Taliyaha ciidanka cirka Itoobiya, ma uusan sheegin xilliga iyo goobta ay diyaaradaha milateriga Itoobiya ay duqeynta ka fuliyeen.

Itoobiya oo ku biirtay howgalka AMISOM ee nabaddaynta Soomaaliya sannadkii 2014, waxaa gudaha Soomaaliya kaga sugan 4,395  askari,kuwaas oo ka howlgalla gobollada Gedo, Hiiraan iyo gobolka bartamaha ku yaalla ee Galgaduud.

Imaan Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]