4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 15, 2018
Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka oo dhaawac culus ka soo gaaray qarax gaariga loogu xiray

 

Sabti, September, 15, 2018 (HOL) –Xildhibaan ka tirsan golaha Shacabka oo lagu magacaabo Maxamed Mursal Booroow ayaa dhaawac culus ka soo gaaray qarax loogu xiray gaarigiisa agagaarka Tiyaatarka oo aan ka fogeyn xarunta madaxtooyada.

Darwalkii waday gaariga ayaa la sheegay in isla goobta uu ku gaariyooday, hasse ahaatee xildhibaanka oo qaba dhaawac culus ayaa markiiba la dhigay Isbitaalka Digfeer.

Xildhibaanka Qarax lagu weeraray ayaa ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee laga soo doortay magaalada Baydhabo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]