4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 15, 2018
Mas'uuliyiin ka tirsan Puntland oo beeniyay Daacish inay la wareegeen deegaanno ka tirsan gobolka Bari

 

Sabti, September, 15, 2018 (HOL)– Maamulka deegaanno dhaca galbeedka gobolka Bari ayaa hay'adaha ammaanka ka dalbaday in tallaabo laga qaado cidda baahisay in Daacish ay la wareegeen deegaanno ka tirsan gobolka.

Degmada Balidhidin iyo deegaanka Banxagar oo ka tirsan gobolka Bari ayaa warbaahinta ku warrantay inay la wareegeen dagaallamayaal ka tirsan ururka Daacish, balse waxaa beeniyay warka maamulka deegaannada.

" Waa been iyo waxba kama jiraan in Daacish ay la wareegeen Balidhidin iyo Banxagar " ayuu yiri guddoomiyaha deegaanka Banxagar ,Ciise Siciid Faarax oo warbaahinta gudaha la hadlay.

Ciise Siciid , ayaa sidoo kale sheegay in deegaannada ay ku suganyihiin ciidammada amniga Puntland gaar ahaanna ciidamo loo yaqaan guuto Bari , wuxuuna inta ku daray in ciidammada deegaannada ku sugan ay heegan ugu jiraan sugida amniga.

Koox taageersan Daacish ayaa ku sugan dhulka buuralayda ah ee gobolka Bari iyo deegaannada dhaca xeebaha,iyagoo halka ka geysta weerarro ay mararka qaar kula wareegeen deegaanno.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online