4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 15, 2018
Guddiga nabaddaynta gobolka Mudug oo diyaariyay Xeer

 

Sabti, September, 15, 2018 (HOL)– Guddiga madasha nabaddaynta gobolka Mudug ayaa maanta ku soo bandhigay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug xeer ,si xal waara looga gaaro colaadda iyo dagaallada soo noq noqday.

"Howshan waxay ahayd mid muddo socotay, si loo soo afjaro colaadda soo noq noqatay ee gobolka iyo isku dhacyada aan xal loo helin , waxaa lugu heshiiyay in la diyaariyo xeerkan." ayuu yiri Xabiib Xirsi Barre oo ah xoghaynta odayaasha nabaddaynta gobalka Mudug.

Qodobbada ugu weyn ee xeerka ku jira oo lugu saleeyay shareecadda islaamka -waxaa ka mid ah 'in la dilo qofkii qof dila iyo in la soo celiyo xoolihii la dhaco, qofkii dhacana ciqaab la marsiiyo'.Waxaa rasmi ahaan xeerka loo saxiixi doonna 21 bishaan oo ku beegan maalinta nabadda adduunka.

Kulanka lugu soo bandhigay xeerka ay diyaariyeen odayaasha nabaddaynta gobolka, ayaa dhanka kale lugu dhiirrigaliyay nabadda gobolka iyo ciidammada isku-dhafka ah,waxaana goobjoog ahaa oo odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada kulanka kala qeybgalay taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka,Cabdiwali Xuseen Jaamac Gorod.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online