4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 15, 2018
Madaxweyne Biixi oo shahaado sharafyo gudoonsiiyey saraakiil soo dhamaystay waxbarasho dibadeed


Sabti, September, 15, 2018 (HOL)– Madaxweyne Muuse BIixi Cabdi ayaa maanta shahaado-sharafyo ku maamuusay lix sarkaal oo kasoo qalin-jabiyey jaamacado dibadda ah, kuwaas oo qaarkood kaalmo sare ka galeen jaamacadihii ay wax kasoo barteen.

Madaxweynaha waxa ku wehelinayey kulankan uu la yeeshay saraakiishan ciidanka Militariga ee soo dhamaystay waxbarasho sare, madaxweyne ku xigeenka C/raxmaan Saylici, taliyaha ciidamada Militariga sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil, xubno kamid ah golaha wasiirrada.

“Madaxweyne nimankani way dedaaleen oo kaalmo sare ayey ka galeen kuulliyado ay umaddo badani ku jireen, iyagana waxa farxad u ah inay maanta madaxweynahoodii hor joogaan oo in la ogyahay ay ogaadaan, adiga oo ciidanka aqoon ugu lahaa maantan madaxweyne ah.”ayuu yidhi taliyaha guud ee ciidanka Militariga Nuux Taanni.

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland, Mudane Ciise Axmed Yuusuf oo isaguna madasha saraakiishan lagu maamuusayey ka hadlay, ayaa madaxweynaha uga mahad celiyey sida uu u dhiirigalinayo ciidanka qaranka.

“Aad iyo aad baan u hambalyeynayaa saraakiisha billadaha dahabka ah kusoo qalin-jabiyey, qarankana waxa ugu magac weyn ninka fagaare caalami ah wax dalka lagu xasuusto kasoo saaro, qaran ahaanna aad iyo aad baa la idiinku xasuusan doonaa guushaas aad maanta keenteen ee sharafta, diblomaasiyadda, magac, aqoon iyo maamuuska militeriba ah.”ayuuu yidhi madaxweyne Biixi.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu halkaas shahaado-sharafyo uu ku maamuusayo, uguna mahadnaqayo guddoonsiiyey lixdan sarkaal ee katirsan ciidamada Militariga, kuwaas oo magacyadoodu kala yihiin: Gaashaanle Axmed Ciise Axmed, Gaashaanle Siciid Aadan Cabdi, Gaashaanle Maxamed Daahir Jibriil, Gaashaanle Axmed Dagaal Dhimbiil, Gaashaanle Cabdikariin Maxamed Yuusuf, Dhamme Mustafe Cali Maxamed.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.