4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 15, 2018
Kulamo iska soo horjeeda oo ka kala socda degmooyinka Dhuusa-Mareeb iyo Cadaado

 

Sabti, September, 15, 2018 (HOL)– Iyadoo aad moodo in uu sii adkaanayo khilaafka u dhaxeeya madaxda ugu sareysa maamul gobolleedka Galmudug ayaa ayaa waxaa ka soconaya degmooyinka Dhuusa-Mareeb iyo Cadaado kulamo siyaasadeed oo iska soo horjeeda.

Maalintii shalay waxaa gaaray magaalada Cadaado madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Cabdi Xaanshi Carab iyo guddoomiyaha xilka laga qaaday Cali Gacal Casir oo halkaa ka wada shirar a yla leeyihiin xildhibaanno iyo siyaasiyiin ku sugan Cadaado.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in dhinaca kale labada mas’uul abaabulayaan kulamo la doonayo in xilka looga qaado madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Dhawaan ayeey aheyd markii kulan magaalada Dhuusa-mareeb ay ku yeesheen xildhibaanno ka badan 146 mudane isku raaceen in kalsoonida lagala noqdo guddoomiye Cali Gacal Casir oo dhinaciisa ka biyo diiday xil ka qaadista lagu sameeyay.

Sidoo kale xildhibaannada baarlamaanka Galmudug ee fadhiggoodu yahay Dhuusa-Mareeb ayaa isku diyaarinaya mooshin ay xilka uga qaadayaan madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo hadda ku sugan Cadaado sida uu baarlamaanka ka hor sheegay guddoomiye ku-xigeenka koowaad baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed.

Lama oga halka ay saldhigan doonto xiisada siyaasadeed ee sii xoogeysatay ee u dhaxeysa madaxda ugu sareysa maamul gobolleedka Galmudug.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]