4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 15, 2018
Madaxda Itoobiya iyo Eritrea oo tagaya dalka Saudi Arabia

 

Sabti, September, 15, 2018 (HOL)– Magaalada Jeddah ee dalka Saudi Arabia ayaa lagu wadaa in saacadaha soo coda gaaraan madaxda dowladdaha Itoobiya iyo Eritrea oo martiqaad ka helay Boqorka dalkaasi Sacuudiga.

Calamada Eritrea, Itoobiya iyo kan Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa la suray waddooyinka magaalada Jeddah, kaasoo lagu muujinayo diyaar garowga shirka nabadda ee dhex mari doono hoggaamiyeyaasha dalalkaas.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa saxiixi doona heshiis nabadeed oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

Labada hoggaamiye ayaa la filayaa in ay halkaa ku kala saxiixdaan heshiiska ay goobjoog ka noqon doonaan madax heer caalami aah iyo waliba iyo Boqortooyada Sacuudiga.

Doorka Sucuudi Carabiya ku lahaa is bedelada ka socda Gobolka Geeska Afrika ayaa muddooyinkii u dambeeyay soo xoogeysanayay, waxaana la sheegaa in Sucuudiga ahaa maskaxdii ka dambeysay heshiiska Eritrea iyo Itoobiya.

Bishii July Madaxda Itoobiya iyo Eritrea ayaa kala saxiixday heshiis lagu soo afjaray colaadii mudada labaatankan sano u dhaxeysa labada dal, waxaana dib u soo laabtay xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal u dhaxeeyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]