Sabti, September, 15,
2018 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya
degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in waabarigii hore
ee saakay dagaal culus qeybo ka mid ah degmada ku dhaxmaray ciidamada dowladda
Soomaaliya iyo xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab.
Goobjoogayaal ku
sugan degmada ayaa warbaahinta u sheegay in xiliggi hore ee salaada subax saakay
mar kaliya dadka ku soo tooseen dhawaqa hub culus oo ay qeybo ka mid ah degmada
isku weydaarsanayeen ciidamada dowladda iyo xoogagga Al-shabaab oo dhowr jiho
weerar ka soo qaaday.
Xoogagga weerarka
soo qaaday ayaa la sheegay in ay beegsadeen saldhig ciidan oo ku yaala aagga
halka lagu magacaabo Buulo-Fooliyo, waxaana la tuhusan yahay in dagaalamayaasha weerarka soo qaaday ka soo
kicitimeen dhinaca degmada Owdheegle.
Ilaa iyo hadda dhab
ahaan lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, hasse ahaatee degmada ayaa
sheegay in uu jiro karo khasaare dhimasho iyo dhaawac-ba leh marka la eego
xadigga dagaalka labada dhinac dhaxmaray.
Degmada Afgooye ayaa
noqotay bartilmaameedka ugu badan oo ay Al-shabaab beegsadaan gobolka Shabeellaha
hoose marka laga soo tago degmada Marka oo marar badan xoogagga Al-shabaab
gudaha u galleen.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]