4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 15, 2018
Wiilal dhalinyaro ah oo lagu dilay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari

 

Sabti, September, 15, 2018 (HOL) – Wararka naga soo gaaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in rag hubeysan xalay toogasho ku dileen labo wiil oo dhalinyaro ah meel aan ka fogeyn suuqa weyn ee magaalada.

Dadka ku sugan magaalada Boosaaso ayaa warbahinta u sheegay in labada wiil ee dhalinyarrada ah ahaayeen saaxiibo siweyn isugu dhawaan, islamarkaana dhawaantan ka qalin jabiyay Jaamacada Bariga Africa ee faraceeda magaalada Boosaaso.


Magacyada labada wiil ayaa lagu kala sheegay C/risaaq Xasan Barre (Ceeriin) iyo C/kariin C/qaadir.

 

Ciidamada nabada-galyada Puntland ayaa markiiba tagay goobta uu dilka ka dhacay, waxaana baxsaday oo aan gacanta lagu dhiggin raggii kooxdii dalka geysatay.

Lama oga sababta loo dilay labadani ee ka mid ahaa dhalinyarada waxbartay ee magaalada Boosaaso, waana marki ugu horreysay oo laba wiil oo Jaamiciyiin ah hal mar lagu dilo gudaha Boosaaso.

Dadka deegaanka ayaa siweyn uga naxay falka toogashada ah ee lagu dilay labada dhalinyarada ah, Boosaasa-na waxaa ay ka mid tahay meelaha ugu badan oo ay ka dhaceen dilalka qorsheysan guud ahaan marka la eego deegaannada maamul gobolleedka Puntland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]