4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 14, 2018
Dowlad gobolleed-yada oo sharuud ku xiray ka qeybgalka shirka uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo

 

Jicmo, September, 14, 2018 (HOL) –War ka soo baxay golaha iskaashiga dowladda gobolleedyada oo dhawaan ku dhawaaqay in ay xiriirka u jareen dowladda dhexe, ayaa sharuud ku xiray ka qeybgalka shirka uu ku baaqay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qorshuhu yahay in 17ka bishan leysugu yimaado.

Warka ka soo baxay golaha Iskaashiga dowlad gobolleedyada ayaa lagu sheegay in ay ka qeybgali karaan shirkaa marka la hello oo kaliya cid kale oo saddexaad oo dhaxdhaaxdisa iyaga iyo dowladda iyo damaannad qaad buuxa oo siyaasadeed.

Sidoo kale golaha iskaashiga ayaa dalbadaya in marka hore ay tahay in leyku afgarto ajandaha shirka iyo goobta lagu qabanayo sababo amniga la xiriira awgood.

Sidoo kale golaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in garwaaqsato baahida deg deg ah ee loo qabo in xal waara oo kama danbeys ah laga gaaro khilaafka taagan si markaa loo badbaadiyo dalka iyo dadka intaba.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan hoggaamiyayaasha dowlad gobolleedyada isugu yeeray shir looga hadlayo arimaha amniga, iyadoo dhinaca kalana uu jiro shaki dowlad gobolleedyada qaarkood ay ka qabaan dowladda kaa oo la xiriira fara-galin marka la gaaro doorashooyinka ku soo foolka leh qaar ka mid ah maamulada dalka ka jira dhamaadka sanadkan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]