4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 14, 2018
Cabdi Maxamuud Cumar oo mar kale maxkamad la soo taagay

 

Jicmo, September, 14, 2018 (HOL) –Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa mar kale maanta ka soo hormuuqday maxkamd isaga oo ku eedeysan danbiyo kala duwan.

Laakiin maxkamada ayaa markii danbe dhageysiga dacwadiisa dib u dhigtay muddo 14 cisho ah oo jeelka lagu sii heyd doono, waxaana uu ku eedeysan yahay danbiyo isugu jira jir dil iyo ku takri fal awoodeed, eedahaas oo uu isagu beeniyay in uu geystay.

Qoyskiisa ayaa dhawaan waxaa ay ku eedeeyeen ciidamada gacanta ku haya amnigiisa in ay si arxan darro ah u jir dilaan, hasse ahaatee taliska Booliiska federaalka Itoobiya ayaa arintaa beeniyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]