4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 14, 2018
Dowladda Soomaaliya gudbisay jawaabtii ugu danbeysay dacwadda Badda ee kala dhaxeysa Kenya

 

Jicmo, September, 14, 2018 (HOL) – Xeer-ilaaliyaha guud ee Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya soo dhameystirtay islamarkaana gudbisay dhammaan jawaabihii looga baahnaa dacwadda Badda ee kala dhaxeysa dowladda Kenya oo taa oo hortaala maxkamada danbiyada caalamig ah.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in uu bilaawday waji cusub oo ah in Soomaaliya iyo Kenya cid walba waxa ay ku doodayso in ay keento cadeyntooda, maadaama hadda loo gudbay sheegashada lahaansha.

Waxaa bilaabanaya wareeg cusub oo dal weliba ku soo bandhigi-doono dacwadiisa iyo xujo waxa uu haayo, si go’aan kama dambeys ah looga gaaro xariiqda xadka biyaha ee labada dal.

Waxaa intaa ku daray in ilaa iyo hadda kaliya loo xayirn yahay dowladda Kenya oo marka ay horgeyso maxkamada jawaabihii looga baahnaa la guda gali doono qaadista dacwadda.

Soomaaliya waxay ku eedeysay Kenya in marar badan ay ka baaqsatay in ay ka qeyb gasho wadahadallo labo geesood ah oo looga xaajoon lahaa xallinta muranka labada dal.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa isku haya lahaanshaha dhul badeed bedkiisu uu gaarayo 142 kun oo km oo labo jibbaaran, waxayna sidaasi darteed Soomaaliya ka dalbatay maxkamadda inay xadeyso xaduuda badda ee labada dal si waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]