4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 14, 2018
Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Cadaado gaaray

 

Jicmo, September, 14, 2018 (HOL) - Madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ayaa maantaa gaaray magaalada Cadaado, xilli uu khilaaf xooggan ka dhex jiro Maamulka Galmudug oo sababay in xilka laga qaado Guddoomiyihii Baarlamaanka Cali Gacal Casir.

Madaxweyne ku-xigeenka oo maalmihii ugu danbeeyayba ku sugnaa degmada Caabud-Wwaaq ayaa siweyn halkaa loogu soo dhaweeyay.

Degmada Cadaado ayaa sidoo kale laga sugayaa in uu gaaro Cali Gacal Casir Guddoomiyihii Baarlamaanka Galmudug oo ay xildhibaanno ku shiray Dhuusa-Mareeb sheegeen in ay xilkii ka qaadeen.

Magaalada Cadado xaruntii hore ee dowlad gobolleedka Galmudug ayaa waxaa ka soconaya kulamo iyo shirar siyaasadeed looga arinsanayo xaaladihii ugu danbeeyay ee ka soo cusboonaaday maamulka oo siweyn isku khilafsan.

Waxaa khilaafkan uu xoogeystay kaddib markii xildhibaanno ku shiray Dhuusa-Mareeb sheegeen in ay xilkii ka qaadeen Cali Gacal Casir.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]