Jicmo, September, 14, 2018 (HOL) - Wargayska The
Guardian ayaa qoray maqaal uu kaga hadlayo ciidamo Maraykan iyo Soomali isugu
jiray oo u dhacay guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ”ayagoo ay dhici
karto inay ku socdeen xog sirdoon oo khaldan”.
Wuxuu
sheegay in ciidankii guriga jabiyey uu la socday ugu yaraan “hal qof oo ajnabi
ah”.
Mid
ka mid ah saraakiisha sirdoonka ee Soomaaliya, oo si toos ah wax uga ogaa
hawlgalkan ayaa isna sheegay in “”xog sirdoon oo khaldan ay jirtay intaan la
qaadin iyo intii uu socday weerarka lagu qaaday guriga madaxweynihii hore”.
Il-wareed
ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa wargayska u sheegay in
“bartilmaameedka uusan ahayn guriga madaxweynihii hore, Aadan cabdulle. Kani
wuxuu ahaa hawlgal ay qaadeen ciidan gaar ah oo Soomaali ah, waxaana la socday
la taliyeyaashooda Ameerikaanka ah. Xoogaggaas waxay daba socdeen xubin ka
tirsan koox argagixiso oo u cararay dhinaca guriga madaxweynihii hore, laakin
ciidankaas waxay si khaldan u weerareen guriga oo qoyska ay ku nool yihiin”
ayuu il-wareedkaas sheegay.
Isla
qofkaas wuxuu u sheegay wargayska in ra’iisul wasaare Khayre uu qoyska u
sheegay in la baarayo arrinka, dhawaanna la sii deynayo 3 wiil oo dhallinyaro
ah oo la kaxaystay.
Gaashaanle
Karl Weist oo ah afhayeenka taliska ciidanka Maraykanka ee Afrika ayaa u
sheegay wargayska The Guardian in ciidanka Ameerikaanka uu doorkoodu yahay
"la talin iyo caawin", ayna bahwadaag kula yihiin ciidanka Soomaalida
sidii loo kala dhantaali lahaa oo loo wiiqi lahaa hawlgallada Al Al Shabaab ee
“Wagaante” oo halkaa u dhow, oo uu ula jeeday deegaanka Waagaade, habeennimadii
4 Siteembar 2018.
“Hawlgalka
waxaa lagu bartilmaameedsanayey shabakadda qaraxyada ee Al Shabaab. Ciidanka
Maraykanka kaalintooda waa kaalmo kaliya” ayuu yiri.
Xigashada/BBC
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]