Bangiga adduunka oo amaanay Hormarka Somalia ay ka sameysay lacagaha la isugu gudbiyo Taleefoonada
Jicmo, September, 14, 2018 (HOL) -Bangiga adduunka ayaa saadaaliyay in
dhaqaalaha Soomaaliya uu sanadkaan kordhi doono 3-4%, bangiga ayaa daabacay
qiimeyntiisii saddexaad ee ay ku sameeyeen dhaqaalaha Soomaaliya taasi oo
muujineysa qodobada ugu waaweyn ee tilmaamaya hormar dhaqaale inuu dhacay iyo
in kale iyo talooyin ku saabsan xoojinta ama kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha.
Warbixintaan ayaa timid iyadoo
sanadkii hore ay Soomaaliya ku habsatay abaar si weyn waxyeello ugu geysatay
xoolaha nool, gaar ahaan dhulka reer Miyiga, waxaana bangiga adduunka uu
sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu sanadkii hore kordhay 2.3% halka sanadkii
ka horreeyay ee 2016 uu kobocu ahaa 4.4%, waxaana bangiga adduunka uu sheegay
iney taasi muujineyso sida ay abaartu u keentay dib u dhac dhinaca dhaqaalaha
ah, waxaana dhaqaalaha Soomaaliya uu taariikh ahaan ku tiirsanaa oo
tiirka ugu weyn ee dhaqaalaha ahaa dhoofka xoolaha oo 70% uu dakhliga kasoo
xaroodo, waxaana bangiga adduunka uu sheegay in abaartii dhacday sanadkii hore
2017 darteed ay hoos u dhacday dhoofka xoolahu 75%, waxeyna ahaayeen xoolaha
sanadkaasi la dhoofiyay 1,300,000 oo neef halka sanadkii ka horreeyay 2016 ay
xoolaha la dhoofiyay ahaayeen 5,300,000 oo neef.
Hugh Riddle waa wakiilka bangiga
adduunka ee Soomaaliya, waxa uu yiri: “Waa warbixintii saddexaad ee xog
bixinta dhaqaale ee aynu ka sameyno Soomaaliya, waa warbixin aynu dooneyno iney
soo baxdo lixdii bilood ee kasta, warbixinta kastana waxey guudmar ka bixisaa
xaaladda dhaqaalaha iyo meelaaha kobocaya, warbixin kasta waxey leedahay
mowduuc hoos loogu eego, inagoo iskaashi la sameyneyna qeybaha dowladda iyo
shirkadaha gaarka loo leeyahay, warbixintani waxey si gaar ah u eegeysaa
lacagaha la isku weydaarsado taleefoonada, fariinta ugu weyn ee ay warbixintaan
direyso waxey tahay in abaartii dhacday sanadkii 2016 ee socotay sanadkii 2017
ay dib u dhac weyn ku keentay dhaqaalaha Soomaaliya, inuu dhaqaalaha
Soomaaliya kordhana waa muhiim, markaad eegtid iney dadka Soomaalida tiro ahaan
kordhayaan, hadii ay taasi dhici weyso waxaa imaneysa inuu faqriga kordho sanad
walba, Soomaaliya waxey aad ugu tiirsan tahay xoolaha nool oo ayaguna ku
tiirsan isbadalka cimilada, waana isbadalkaasi cimilada kan hoos u dhaca weyn
ku keenay dhoofka xoolaha”
Bangiga Adduunka waxaa kaloo uu
sheegay in kororka dhaqaalaha Soomaaliya uu gaabis ahaa, gaar ahaan in
sanadahii u dhaxeeyay 2013 ilaa 2017 uu kobcay dhaqaalaha Soomaaliya 2.5, hase
yeeshee waxaa warbixinta sheegtay in koboc dhaqaale uusan ka dhigneyn inuu
yaraaday heerkii faqriga.
Bangiga Adduunka wuxuu daqliga kasoo
xarooda gudaha ee sanadkii 2016 ku qiyaasay 6.8 Bilyan oo Doolar halka
sanadkii aynu soo dhaafnay uu ka ahaa 7 Bilyan oo Doolar.
Warbixinta Bangiga Adduunka waxey si
weyn u amaantay koboca iyo doorka dhaqaalaha ee hanaanka lacagaha la isku
weydaarsado taleefoonada, hadii ay ahaan laheyd xawilaadaha iyo wax kala
iibsiga kalaba.
Waxaa Bangiga uu sheegay in bishii
la sameeyo 155 Malyan oo is weydaarsi ama wax kala iibsasho lacageed la isugu
gudbiyo taleefoonada, taasi oo ku fadhida aduun dhan 2.7 Bilyan oo Doolar
bishii.
Waxaa bangiga uu sheegay in
isticmaalka lacagaha taleefoonada ay ka xoog bateen lacaha cadaanka ah ama
waraaqda ah ee ka jira Soomaaliya.
Mar Kale Hugh Riddle, waxa uu
yiri: “Caqabado badan ayaa ka jira Soomaaliya, hadii ay noqon laheyd
dhinaca siyaasadda iyo amniga, waxa kaliya ee si wanaagsan u shaqeeya waa
dhaqaalaha ku saleysan shirkadaha gaarka ah, waxaana warbixintaan aynu ku
sheegnay wax layaab leh oo la taaban karo oo ah in dhaqaalaha ganacsiga gaarka
loo leeyahay uu wax weyn u qabtay dhaqaalaha Soomaaliya
" Kala wareejinta lacagaha ee
dhinaca taleefoonada ee Soomaaliya waa mid ka mid ah tallaabooyinka ugu
hormarsan dunida, tobankii qof ee Soomaaliya joogaba, todoba ka mid ah ayaa
isticmaala hanaankaan, 155 Malyan oo kala wareejin ah ayaa dhacda bishii,
waxeyna taasi fursad yididiilo leh u tahay koboca dhaqaalaha iyadoo dad tiro
yar ay heystaan akoono bangiga ah"
Bangiga adduunka ayaa amaanay
hormarka Soomaaliya ay ka sameysay lacagaha la isugu gudbiyo Taleefoonada,
waxaana bangiga uu sheegay in si tartiib tartiib ah sharci dajin loogu sameeyo
hanaanka oo ay intiisa badan wadaan shirkadaha gaarka loo leeyahay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]