4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 13, 2018
Guddoomiye Mursal “Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed waa indhaha sharciga."

 

Khamiis, September, 13, 2018 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta Dugsiga Tababarka ee Jeneraal Kaahiye(Iskool Buluusiya”) kaga qeyb galay kulan lagu dhiira gelinaayay dhallinyaro ku soo biirtay Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo tababar u socdo.

Guddoomiyaha ayaa waxaa kulanka kala qeyb galay oo ku wehlinaayay Guddoomiye ku Xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo xildhibaano.

Kusimaha Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya, ahna Taliye Ku xigeenka Ciidanka S/guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa Guddoomiyaha iyo masuuliyiintii la socotay ku soo dhaweysay Xarunta Jeneraal Kaahiye.

“Mudane Guddoomiye Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed waxaa sharaf weyn u ah inad maanta kala qeyb gasho kulanka khamiislaha oo ah kulan lagu dhiira geliyo dhallinyarada ku soo biirta ciidanka, runtii wada shaqeyn wanaagsan ayaa naga dhaxeyso waxa rajeynaya inaad sii xoojiso maadaama adigu ad ka mid ahayd ciidamada qalabka sida, wax badanna ad ka fahansan tahay arrimaha ciidanka”. ayay tiri S/guuto Zakiya Xuseen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa la dardaarmay dhalinyarada tababarka u socdo iyo saraakiisha ciidanka booliiska Soomaaliya.

“Waxan ku faraxsanahay inaan maanta halkaan idiinla joogno oo aan aragno qaabka aad tababarka u qaadaneysaan iyo xaaladaha aad ku sugan tihiin, ciidanka booliiska Soomaaliya waa indhaha sharciga, waxa aaminsanahay golaha shacabka inad qeyb weyn kaga jirtaa sugidda amniga.” ayuu yiri guddoomiye Mursal.

“Waxaa idiin kula dardaarmaya inad ka shaqeysaan kala dambeynta, sareynta sharciga, ixtiraam dhexdiina ah iyo inad u dulqaadataan daruufaha jira si uu u guuleysto ciidanka booliiska Soomaaliya.” ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka. 

Abdisalan Nor Dirie

Hiiraan Online