Khamiis, September,
13, 2018 (HOL) -Golaha wasiirrada xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta
kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay uga hadleen siyaasadda dawladda ee
hantida qaranka iyo hannaanka saxiixyada heshiisyada caalamiga ah.
Shirka golaha
wasiirrada ayaa ugu horayn looga dooday siyaasadda hantida qaranka, waxaana
falanqayn dheer kadib la isku raacay in guddi qaran oo heer wasiirro ah loo
saaro tirakoobka iyo diiwan gelinta hantida qaranka si ay warbixin dhamaytiran
uga keenaan hantida ay dawladdu leedahay.
Golaha ayaa
magacaabay guddi ay hoggaaminayaan garyaqaanka guud iyo wasiirka hawlaha guud,
dib u dhiska iyo guryaynta si ay baaritaan ugu sameeyaan shuruucda dalku lahaa
ee lagu maamulo hantida qaranka, kadibna ay golaha ugu soo gudbiyaan kulanka
xiga, si xukuummaddu ay ugu salayso siyaasadeeda ku aaddan ilaalinta hanitada
qaranka.
Kulanka golaha oo uu
guddoominayay ra’iisul wasaare Xassan Cali khayre ayaa lagu soo bandhigay
dhibaatooyin dhaqaale oo ka dhashay heshiisyo ay galeen dawladihii hore,
waxaana dood dheer kadib golohu isku raacay in qorshaha lagu saxiixayo
heshiisyada caalamiga ah ogaysiiyo garyaqaanka guud iyo ra’iisul wasaaraha si
looga fogaado dhibaatooyin kale oo laga dhaxlo heshiisyo dawladdu gasho.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]