4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 13, 2018
Cali Gacal Casir oo diiday xil ka qaadistii lagu sameeyay

 

Khamiis, September, 13, 2018 (HOL)–Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo warbaahinta la hadlay wax yar uu kaddib markii uu soo baxay warku ku saabsan in xilka laga qaaday ayaa arintaa ku gacanseyray, isaga oo sheegay in Dhuusa-Mareeb ay ku shireen dhalinyaro iyo dad kale oo aan xildhibaanno aheyn.

‘’Waa isoo gaaray warka arintan ku saabsan, xildhibaanno uma aqoonsani dadkaasi ku shiray Dhuus-Mareeb, wax walba sharciga ayeey ku dhamaan doonaan’’ ayuu yiri guddoomiye Casir.

Waxaa uu sheegay in go’aanka lagu gaaray Dhuusa-Mareeb ee la sheegay in isaga xilka looga qaaday loo baahan sidii ay ku dhaqan –galin laheyd cidii gaartay, taasoo uu ula jeedo in wali uu isagu yahay guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug.

Hadalka ka soo yeeray Cali Gacal Casir iyo go’aanka ka soo baxay kulankii Dhuusa-Mareeb ayaa sii hurinaya khilaaka u dhaxeeya madaxda ugu sareysa Galmudug oo uu muuqda kuwo sii kala furtay tan iyo wixii ka danbeeyay go’aankii hoggaamiyayaasha dowlad gobolleedyada ku gaareen shirkii Kismaayo

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]