4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 13, 2018
Baarlamaanka Galmudug oo Dhuusa-Mareeb kaga dhawaaqay in ay xilkii ka qaadeen guddoomiyihii barlamaanka

 

Khamiis, September, 13, 2018 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya degmada Dhuusa-Mareeb ayaa sheegaya in xildhibaanno halkaa fadhi ku yeeshay xilkii ka qaadeen guddoomiyihii baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Xildhibaanno tiradooda lagu sheegay 147 oo kulan ku yeeshay magaalada Dhuus-Mareeb ayaa 146  ka mid ah waxaa ay u codeeyeen in codka kalsoonida lagala noqdo guddoomiyaha.

Cali Gacal Casir ayaa isaga oo jooga magaalada Muqdisho ka sheegay in uusan aqoon-saneyn xildhibaanno ku sugan Dhuusa-Mareeb, isaga oo sheegay in xarunta baarlamaanka Galmudug tahay degmada Cadaado.

Lama oga rasmi ahaanshaha tiradan la sheegay in ay u codeeyeen xil ka qaadista guddoomiyaha, hasse ahaatee dhawaan ayaa la sheegay in xildhibaanno gaaraya 89 mudane mooshin ka keeneen guddoomiyaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]