4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 13, 2018
Dowladda iyo mucaaradka Koonfurta Sudan oo heshiis kula saxiixday Addis Ababa

 

Khamiis, September, 13, 2018 (HOL) – Dowladda iyo Mucaaradka Koonfurta Sudan ayaa heshiis kama danbeys ah ku kala saxiixday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo lagu soo gabagabeeyay shirkii Urur gobolleedka IGAD.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadisay heshiiska rasmiga ah ee ay gaareen dhinacyadii isku hayay Sudanta Koonfureed, kaddib shir aan caadi ahayn oo hal maalin ah oo Madaxda Urur Goboleedka IGAD ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxda Urur gobolleedka IGAD ayaa shirkooda halka maalin ahaa waxaa ay uga arinsanayeen soo gabagabeynta khilaafka dowlada iyo mucaaradka dalka Koonfurta Suudaan.

Hoggaamiyayaasha IGAD ayaa ugu danbeyntii ku guuleystay heshiiska lagu soo afjarayo colaada iyo dib-u-soo celinta nabadda dalka Koonfurta Sudan, iyadoona ugu dambeyntiina heshis laga gaaray, waxaay-na dowladda Soomaaliyeed bogaadisay heshiiska la dhexdhigay dhinacyadii isku haya Dalka cusub ee Koonfurta Suudaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]