4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 13, 2018
Dowladda Soomaaliya oo hay'adda ICAO kala hadashay arimo ku saabsan hawada Soomaaliya [SAWIRRO]


Khamiis, September, 13, 2018 (HOL)-Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Mudane Max’ed C/laahi Salaad (Oomaar) oo ay wehlinayeen ku simaha agaasimaha hay’adda Duulista hawada Mudane Axmed Macallim Xasan iyo agaasimaha guud ee waaxda Dakhliga wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Mudane Jacfar Max’ed Axmed ayaa kulan la qaatay madax ka tirsan hay'adda duulista hawada ee ICAO.

Wafdiga ayaa magaalada Montréal kula kulmay  madax ka tirsan hay’adda Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay  oo uu hogaaminayay Agaasimaha qeybta farsamada iyo Kaalmada ee hay’adda ICAO (TCP) Jorge Vargas, ayagoo ka wada hadlay arimo ku saabsan howlaha ay hay’addu ka wado Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeyn ka dhexeeysa wasaaradda duulista hawada Soomaaliya iyo hay’addaasi.

Mr. Jorge Vargas ayaa dhawaan loo magacaabay xilkaasi, ayadoo badalay agaasimihii hore oo ku eedeysnaa falal la xiriira musuqmaasuq.

Kulanka ayaa loo hadlay sidii dib loogu bilaabi lahaa mashaariicda ay hay’adda ICAO ka fulin jirtay Soomaaliya oo ay kal hore dowladda hakisay, kadib markii ay dowladdu sheegtay in mashaariicdaasi loo maamulayay hannaan qaldan islamarkaana la musuq-maasuqayay mashaariicda.

Madaxda ayaa isku afgartay in mashaariicdaasi oo isugu jiray Tababarro iyo dhismaha garoomada diyaaradaha ay hay’addu dib uga bilowdo Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa kulanka intii uu socday looga hadlay in dib loo tayeeyo qalabka casriga ah ee lagu rakibay garoonka diyaaradaha Muqdisho ee lagu hago diyaaraha ee loo yaqaan (CPDLE), ayadoo dowladda Soomaaliya ay ha’addu ka dalbtay in xal degdeg ah loo raadiyo sidii looga gudbi lahaa isticmaalka Matoorro ay hay’addu maamusho oo dab siiya garoonka, kuwaasoo ay bishii ku baxdo lacag dhan $11,000, waxaana dowladdu dalbatay in ay iyagu soo iibsato Matoorro si qarashaadkaasi u baaqdaan.

Kulanka oo uu ka qeybgalay agaasimaha waaxda dakhliga wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo ay noqoneeyso markii ugu horeeysay oo ay wasaaraddu wafdi u dirto arimahaasi ayaa diiradda lagu saaray sidii xisaabin loogu sameeyn lahaa (Audit) mashaariicda ay hay’addu ka fulisay Soomaaliya shanti sano ee ugu danbeeysay iyo halka uu maro dhaqaalaha kasoo xaroodo, arintan oo noqoneysa mid ay wasaaraddu ku dooneeyso in ay kula socoto dhaqaalaha kazoo xarooda hawada Soomaaliya oo ay mudo dheer maamulaysay hay’adda ICAO.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Mudan Max’ed C/laahi Salaad (Oomaar) oo wareeysi gaar ah siiyay shabakadda HOL ayaa sheegay in madaxdu ay isku afgarteen in ugu danbeeyn 15-ka bisha October ee sanadkan la xiro xafiiska qaabilsan hawada Soomaaliya eek a furan Nairobi, qalabka yaalna loo raro dalka ugu danbeyn 01- December ee Sanadkan.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in ay rajo weyn ka qabaan marka la dhameystiro howlaha lagu tayeynayo qalabka haga diyaaradaha ee ku rakiban xarunta maamulka hawada Soomaaliya ee Muqdisho in Soomaaliya ay kaalimaha hore ka geli doonto dhanka duulimaadyada, dhaqaala badanna uu kasoo xaroon doono.

Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegtay maamulka hawada bishii December ee sanaddii 2017 kadib mudo dheer oo ay maamulaysay hay’adda ICAO, wallow ay hay’addu weli maamusho qeyb kamid ah dhaqaalaha kasoo xarooda hawada Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.