4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 13, 2018
Mukhtaar Rooboow oo u tartamaya qabashada xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed

 

Khamiis, September, 13, 2018 (HOL) - Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur oo horay u soo noqday ku-xigeenka Amiirka Xarrakada Al-shabaab, laakiin  sanadkii 2017da si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu ka baxay Ururka, ayaa hadda isku diyaarinaya in uu ka mid noqdo musharixiinta u taagan doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mukhtaar Rooboow ayaa xalay ka soo muuqday kulan magaalada Muqdisho uu kula yeeshay guddoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed doorashada bisha 11 sanadkan ka dhici doonta magaalada Baydhabo.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa ka qeybgalay musharixiin oo ay ka mid ahaayeen Wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya Maxamed Aadan Farkeeti wasiirkii hore, Yusuf Baadiyow iyo Aamino Mursal.

Musharixiintan dhamaantood marka la eego waxaa ay u muuqdaa kuwo ku mideysan in tallada maamulka Koonfur Galbeed kala wareegaan Shariif Xassan Sheekh Aadan oo dhinaciisa siweyn ugu diyaar garoobay doorashada iyo in mar kale uu hoggaamiyo maamulka Koonfur Galbeed.

Mukhtaar Rooboow oo laga saaray Liiska Argagixisada Mareykanka ayaa wada kulamo uu la leeyahay qeybaha kala duwan ee bulshada isaga oo doonaya in uu isku soo taago doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]