3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 13, 2018
Eritrea oo aan ka qeybgalin shirka IGAD oo qorshuhu ahaa in uu tago madaxweyne Isaias Afwerki

 

Khamiis, September, 13, 2018 (HOL) - Sida muuqata waxaa dib u dhac uu ku yimid dib ugu soo laabashadii xubin-nimada Urur gobolleedka IGAD ee dowladd Eritrea, iyadoo aysan iman shirka Addis Ababa wafdi ka socda xukuumadda Asmara.

Sidoo kale waxaa shirka ka soo muuqan madaxweyne Isaias Afwerki oo markii hore la saadaalinayay in uu tagi doono madasha shirka ee Addis Ababa oo la filayay in looga dhawaaqo dib ugu soo laabashada Eritrea ee iGAD.

Xog-hayaha guud ee Urur gobolleedka IGAD Maxbuub Macallim oo BBC arintan wax ka weydiisay ayaa sheegay in heshiiska ku saabsan dib ugu soo laabashada Eritrea ee xubinnida IGAD uu dhacay, laakiin kaliya ay dhiman tahay in lagu dhawaaqo.

Dhinaca kale shirka ayaa lagu soo gunaanaday xaflad ay heshiis awood qaybsi ah qalinka ku wada duugeen madaxweyanaha South Sudan, Salva Kiir, iyo ku xigeenkiisii hore ee uu dagaalka dhex maray, Riek Machar, kaasoo lagu so afjarayo 5 sano dagaal ahli ah uu waddankaas ka socday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
9/13/2018 3:32 PM EST
Khamiis, September, 13, 2018 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta Dugsiga Tababarka ee Jeneraal Kaahiye(Iskool Buluusiya”) kaga qeyb galay kulan lagu dhiira gelinaayay dhallinyaro ku soo biirtay Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo tababar u socdo.

9/13/2018 1:39 PM EST
Khamiis, September, 13, 2018 (HOL) –Ciidamada Mareykan ah oo kaashanaya militariga Soomaaliya ayaa weerar ay ka geysteen deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha waxaa ay sheegeen in lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

9/13/2018 1:09 PM EST
Khamiis, September,13,2018 (HOL)-Golaha wasiirrada xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay uga hadleen siyaasadda dawladda ee hantida qaranka iyo hannaanka saxiixyada heshiisyada caalamiga ah.

9/13/2018 9:10 AM EST
Khamiis, September, 13, 2018 (HOL)–Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo warbaahinta la hadlay wax yar uu kaddib markii uu soo baxay warku ku saabsan in xilka laga qaaday ayaa arintaa ku gacanseyray, isaga oo sheegay in Dhuusa-Mareeb ay ku shireen dhalinyaro iyo dad kale oo aan xildhibaanno aheyn.

9/13/2018 6:43 AM EST
Khamiis, September, 13, 2018 (HOL)–Wararka naga soo gaaraya degmada Dhuusa-Mareeb ayaa sheegaya in xildhibaanno halkaa fadhi ku yeeshay xilkii ka qaadeen guddoomiyihii baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo ku sugan magaalada Muqdisho.

9/13/2018 4:27 AM EST
Khamiis, September, 13, 2018 (HOL)–Dowladda iyo Mucaaradka Koonfurta Sudan ayaa heshiis kama danbeys ah ku kala saxiixday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo lagu soo gabagabeeyay shirkii Urur gobolleedka IGAD.

9/13/2018 3:45 AM EST
Khamiis, September, 13, 2018 (HOL)-Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Mudane Max’ed C/laahi Salaad (Oomaar) oo ay wehlinayeen ku simaha agaasimaha hay’adda Duulista.......

9/13/2018 1:48 AM EST
Khamiis, September, 13, 2018 (HOL) - Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur oo horay u soo noqday ku-xigeenka Amiirka Xarrakada Al-shabaab, laakiin sanadkii 2017da si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu ka baxay Ururka, ayaa hadda isku diyaarinaya in uu ka mid noqdo musharixiinta u taagan doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

9/13/2018 12:49 AM EST
Khamiis, September, 13, 2018 (HOL)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guturres ayaa si rasmi ah ugu magacaabay Nicholas Haysom in uu noqdo ergeyga gaar ah ee QM u qaabisan Soomaliya isaga oo badali doono ergeygii hore Michael Keating .