Farmaajo oo ka qeyb galaya shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD oo ka furmay Addis Ababa
Arbaco, September, 12, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas uga qeybgalayaan shir goor dhaw uga furmay madaxda urur gobolleedka IGAD.
Madaxda dalalka ku mideysan Ururka IGAD ayaa
muddo hal maalin ah oo shirku socanayo waxa ay kaga arrinsanayaan dhammeystirka
dadaallada lagu xasilinayo waddamada Gobolka iyo xoojinta iskaashiga ka
dhaxeeya dalalka ku mideysan IGAD.
Sidoo kale, hoggaamiyeyaasha IGAD ayaa iska
xog-wareysanaya qorsheyaasha lagu guuleystay ee ku aadan dhameystirka heshiiska
lagu soo afjarayo colaada iyo dib-u-soo celinta nabadda dalka Koonfurta
Suudaan, iyadoona Guddi Madaxeedka loo xil saaray arrinkan laga dhageysan doono
warbixin ku saabsan qodobbadii laga fuliyey heshiisyadii hore iyo caqabadaha
haatan jira.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo
diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku wehelinaya shirkan ayaa la wadaagi doona
Madaxda dalalka IGAD, aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan
xoojinta iskaashiga, wax wada-qabsiga iyo nabadeynta dalalka Gobolka, si looga
gudbo caqabadaha dib-u-dhigay horumarka Qaaradda Afrika guud ahaan gaar ahaan
midda Geeska Afrika.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kaalin muhiim
ah ka qaadaneysa dadaallada ku qotama nabadaynta, kor u qaadidda iskaashiga
dhaqaale iyo is-dhex galka bulsho ee dalalka Geeska Afrika.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]