4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 12, 2018
Aqalka sare oo xal u raadinaya khilaafka soo kala dhax-galay maamul gobolleedyada iyo dowladda dhexe

 

Arbaco, September, 12, 2018 (HOL) - Qoraal laga soo saaray kulan maanta magaalada Muqdisho ay ku yeesheen xubnaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa sheegay in uu bilaabayo goluhu socdaal xal doon ah oo la doonayo in leysugu soo dhaweeyo maamul gobolleedyada iyo dowladda dhexe oo khilaaf xoogan uu soo kala dhax-galay.

Sidoo kale aqalka sare ayaa ka dalbaday maamul gobolleedyada in ay joojiyaan khilaafka dhaxdooda ah iyo mooshinnada la sheegay in laga keenay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dowlad gobolleedyada si fursad loo siiyo waanwaanta la bilaabayo.

Guddiga ayaa sheegay in wafuud loo dirayo dhammaan deegaanada maamul goboleedyada, si ay warbixin dhab ah uga keenaan, sidoo kale waxaa baaq ay u direen dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada.

Akhriso Qoraalka ka soo baxay guddiga :

 

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]