4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 12, 2018
Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray magaalada Addis Ababa

 

Arbaco, September, 12, 2018 (HOL) –Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa goor dhaw oo maanta ah ka degay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya halkaa uu uga qeybgali doono shirka Urur gobolleedka IGAD.

Garoonka diyaaradaha magaalada Addis Ababa waxaa ku soo dhaweeyay wafdi uu horkacayay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaaliya Mustafe Maxamuud Cagjar.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb galaya Shir ay isugu imaanayaan Madaxda IGAD oo looga hadli doono xubinnimada Eritrea oo mar kale ka mid noqonaysa xubnaha Urur Goboleedka IGAD.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]