3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 12, 2018
Madaxweynaha Eritrea oo qeybgali doona shirka Urur gobolleedka IGAD ee ka furmaya Addis Ababa

 

Arbaco, September, 12, 2018 (HOL) –Eritrea ayaa  hadda u muuqata in ay soo ceshaneyso xubin-nimadii Urur gobolleedka IGAD,  iyadoo maanta  madaxweyne Isaias Afwerki uu ka soo muuqan doono shirka Ururkan uga furmaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Shirka ayaa sidoo kala lagu wadaa in lagu ansixiyo si rasmi ah xubin-nimada Eritrea iyadoo dhanka kalana lagu gurfeyn doono isbadalka iyo dadaallada nabadeed ee guud ahaanba ka socda wadamada Geeska Africa.

Tallaabadii ugu danbeysay ee lagu dhameynayo colaadda Itoobiya iyo Eritrea  ayeey labada hoggaamiye waxaa ay ku guuleysteen maalintii shalay in ay si rasmi ah isugu furan xadka labada dowladdood ay wadaagaan si dib loogu soo celiyo isku socodkii labada dhinaca.

Dowladda Eritrea ayaa laga saaray xubinimada urur Goboleedka IGAD Sanadkii 2007-dii, wixii waqtigaa ka danbeeyay-na waxaa ay u muuqatay mid go’doon kaga jirta aduunka intiisa kale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
9/12/2018 12:01 PM EST
Arbaco, September, 12, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas uga qeybgalayaan shir goor dhaw uga furmay madaxda urur gobolleedka IGAD.

9/12/2018 9:23 AM EST
Arbaco, September, 12, 2018 (HOL)-Qoraal laga soo saaray kulan maanta magaalada Muqdisho ay ku yeesheen xubnaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa sheegay in uu bilaabayo goluhu socdaal xal doon ah oo la doonayo in leysugu soo dhaweeyo maamul gobolleedyada iyo dowladda dhexe oo khilaaf xoogan uu soo kala dhax-galay.

9/12/2018 8:15 AM EST
Arbaco, September, 12, 2018 (HOL) - Tan iyo intii isbedelku ka dhacay deegaanka Soomaalidda Itoobiya waxa isku furmay isku socodkii shacabka Hargeysa iyo Jigjiga, taas oo keentay in dad faro badan oo aan awal hore u tagi jirin ay u xiisaan inay jigjiga booqdaan.

9/12/2018 7:13 AM EST
Arbaco, September, 12, 2018 (HOL) –Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa goor dhaw oo maanta ah ka degay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya halkaa uu uga qeybgali doono shirka Urur gobolleedka IGAD.

9/12/2018 3:55 AM EST
Arbaco, September, 12, 2018 (HOL)–Ciidamada dowladda oo garab militari ciidamo kale oo ajnabi ah ayaa saqdii dhexe ee xalay 11kii bishan September, waxaa ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha hoose.

9/12/2018 2:37 AM EST
Arbaco, September, 12, 2018 (HOL)–Garoonkii diyaaradeed ee kali ahaa ee ka shaqaynayay caasimadda dalka Liibiya ee Tripoli ayaa duulimaadyadii meel kale u weeciyay ka dib markii gantaallo lagu weeraray.

9/12/2018 1:54 AM EST
Arbaco, September, 12, 2018 (HOL)–QM ayaa Talaadadii sheegtay in ay xoojinayaan Iskaashiga looga hortagayo khatarta ka timid waxyaabaha qaxa oo dhib ku haya xasiloonida Soomaaliya.

9/12/2018 12:50 AM EST
Arbaco, September, 12, 2018 (HOL)–Wararka naga soo gaaaraya degmada Marka ee xarunta u ah gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xoogag ka tirsan Al-shabaab xalay weerar culus ku qaadeen saldhigyada ciidamada dowladda ee bartamaha degmada.

9/12/2018 12:37 AM EST
Arbaco, September, 12, 2018 (HOL)-Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajiyay in uu ciidamada dalkiisa kala bixi doono xadka uu la wadaago Eritrea, kaddib markii maalintii shalay dib leysugu furay xadka labada dowladdood.