4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 12, 2018
Garoonka diyaaradaha Tripoli oo gantaallo lagu garaacay

 

Arbaco, September, 12, 2018 (HOL) – Garoonkii diyaaradeed ee kali ahaa ee ka shaqaynayay caasimadda dalka Liibiya ee Tripoli ayaa duulimaadyadii meel kale u weeciyay ka dib markii gantaallo lagu weeraray.

Ma jiraan dhimasho ama burbur kale oo durba la soo sheegay in ay gantaalladaasi ka gaysteen garoonka diyaaradaha ee Mitiga International Airport ka dib weerarkii habeennimadii Talaadada.

Garoonkan diyaardaha ayaa dib loo furay Jimcihii aan ka soo gudubnay kaddib markii ay isku dhaceen kooxo iska soo horjeeda.

Dawladda taageerada ka haysata Qaramada Midoobay ayaa gacanta ku haysa Tripoli balse malayshiyaad ayaa gacanta ku haya in badan oo dalka qaybihiisa kale ah.

Gantaallada la riday ayaa horseeday in diyaaradda Libyan Airlines ay duulimaadkeedii ka yimid magaalada Alexandria ee dalka Masar u weeciso Misrata oo 200km hanka bari ka xigta caasimadda.

Duulimaadyada kale ayaa sidoo kale la weecin doonaa, ilo ayaana wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ay socdaan qorsheyaal duulimaad yada diyaaradaha kale ee u socda Tripoli loogu weecinayo Misrata.

Shirkadda diyaaradaha ee Libyan Airlines oo kali ah ayaa duulimaadyo gudaha ah ka fulisa dalka Liibiya kuwo aan badnaynna waxay ku tagtaa dalal kale. Garoomada Midawga Yurubna waa laga mamnuucay ammaan ahaan awgeeed.

 Xigasho/BBC