3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 11, 2018
Cali Gacal Casir : Maba jiraan xildhibaanno aan aqoonsanahay oo ku shiray Dhuusa- Mareeb

 

Talaado, September, 11, 2018 (HOL) – Waxaa soo ifbaxaya khilaaf xoogan oo mar kale soo kala dhax-galay mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka Galmudug kaddib markii mooshin xil ka qaadisa ah la sheegay in laga gudbiyay guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo madaxweyne ku-xigeenka maamulka Maxmed Xaanshi Carabey

Cali Gacal Casir oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan jirin xildhibaanno uu aqoonsan yahay oo ku shiray ama ku sugan degmada Dhuusa-Mareeb ee xarunta u ah maamul gobolleedka Galmudug.

Mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha waxaa qabtay oo ogolaaday guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed oo marar badan oo hore sidan oo kale xildhibaannada uga gudoomay mooshin laga keenay labada mas’uul oo siyaasad ahaan siweyn isugu dhaw kana soo horjeeda hoggaanka sare ee maamulka.

Arrintan ayaa qayb ka ah xurgufta u dhaxaysa hogaanka sare ee maamulka Galmudug, taasoo si aad ah u soo ifbaxday wixii ka dambeeyey Sabtidii, markaasoo ay madaxda maamul goboleedyada ku dhawaaqeen inay xiriirka u jareen dawladda federaalka ee Soomaaliya.

Shirka ku soo dhamaaday Sabtidii aynu soo dhaafnay Kismaayo waxaa muuqanaya in aysan mahadin labadan maamul ee Galmudug iyo Hirshabeelle oo dhaxdooda hadda ku kala qeysamay arintaa marka loo eego saddexda maamul gobolleed ee kale, kuwaa oo ilaa iyo hadda aan laga soo sheegin xurguf siyaasadeed oo sidaa u weyn.

Hirshabeelle laftirkeeda ma degana siyaasad ahaan oo waxaa jira xildhibaanno ku kacsan madaxweyne Maxmed Cabdi Waare oo isku diyaarinaya mooshin ka dhan ah in ay gudbiyaan guddoonkooda baarlamaanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 
 













Click here
9/11/2018 1:55 PM EST
Talaado, September, 11, 2018 (HOL)–Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka dowlad gobolleedka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa aqbalay qabashada mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

9/11/2018 11:25 AM EST
Talaado, September, 11, 2018 (HOL)– Hanti-dhowrka guud ee Qaranka ayaa qoraal ka soo baxay waxaa leysaga fogeeyay eedeyn uga timid hoggaamiyayaasha dowlad gobolleedyada Soomaaliya ee dhawaantan ku shiray magaalada Kismaayo.

9/11/2018 9:51 AM EST
Talaado, September, 11, 2018 (HOL)– Ehelada iyo Qoyska madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa ku eedeeyay ciidamo ka tirsan Booliiska federaalka Itoobiya in ay jir daran u geysteen madaxweynihii hore Ismaamulka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar.

9/11/2018 9:08 AM EST
Talaado, September, 11, 2018 (HOL)– Golaha wasiirrada Puntland oo kulan deg deg ah maanta ku yeeshay xarunta madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe ayaa soo dhaweeyay dhammaan go'aamadii ka soo baxay shirkii hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada ee Sabtidii lugu soo gabagabeeyay magaalada Kismaayo.

9/11/2018 7:13 AM EST
Talaado, September, 11, 2018 (HOL)– Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa toogasho ku dilay meel aan ka fogeyn hoygiisa magaalada Muqdisho subaxnimadii hore ee saakay xubin ka tirsanaa shaqaalaha wasaaradda Qorsheynta dowladda Soomaaliya.

9/11/2018 4:28 AM EST
Talaado, September, 11, 2018 (HOL)–Hogaamiyeyaasha Itoobiya iyo Eritrea ayaa dib u furaya xadkii dhulka la isaga tallaabi jiray ee la xiray labaatan sano ka hor markii ay dagaalka xun galeen labadan dal ee dariska ah sagaashameeyadii.

9/11/2018 4:04 AM EST
Talaado, September, 11, 2018 (HOL)– Golaha wasiirrada Puntland ayaa hadda ku shirsan xarunta madaxtooyada Puntland ee dulleedka magaalada Garoowe,kulankan oo saraakiisha ay ku tilmaameen mid aan 'caadi ahayn' waxaa guddoominaya madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas.

9/11/2018 2:20 AM EST
Talaado, September, 11, 2018 (HOL)– Tan iyo intii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu go’aanka ka soo saaray in Kaydka haamaha shiidaalka ee Berbera ku soo celinayo gacanta dawladda waxay dhalisay is faham waa ku kala dhex dhacay iyaga iyo ganacsataddii maamuli jirtay oo ku doodaya in lacag badan kaga maqantahay maalgashi ay ku sameeyeen Haamaha.

9/11/2018 2:03 AM EST
Talaado, September, 11, 2018 (HOL)–Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Soomaaliland ayaa daahfurtay Sumad cusub oo ay yeelan doonaan Baabuurta Somaliland, taas oo gobol walba astaan u gaar ah la raacin doono.

9/11/2018 1:58 AM EST
Talaado, September, 11, 2018 (HOL)–Saraakiisha Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in ay toogasho ku dileen sarkaal ka tirsanaa Ururka Al-shabaab oo sida ay hadalka u dhigeen in mudo ahba laamaha amnigu ku raad joogeen.

9/11/2018 12:51 AM EST
Talaado, September, 11, 2018 (HOL)–Waxaa soo ifbaxaya khilaaf xoogan oo u dhaxeeya mas’uuliyiinta qaar ka mid ah maamuladdii ku shiray Kismaayo ee Sabtidii aynu soo dhaafnay ku dhawaaqay in ay xiriirka u jareen dowladda dhexe ee federaalka.