4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 11, 2018
Xildhibaanno mooshin ka keenay guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug

 

Talaado, September, 11, 2018 (HOL) – Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka dowlad gobolleedka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa aqbalay qabashada mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

Xildhibaannada mooshinka ka keenay guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ayaa ku eedeynaya in uu gabi ahaanba baalmaray kana soo bixi waayay howlihii loo idmaday sidaa daraadeed la gaaray sida ay hadalka u dhigeen waqtigii lala xisaabtami lahaa.

Lama oga tirade rasmiga ah ee mooshinkan soo gudbisay hadda ahaatee warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay saxiixeen tiro ka badan 80 xildhibaan .

Ma’aha markii ugu horeysay oo baarlamaanka Galmudug sidan oo kale mooshin ka keeno guddoomiye Cali Gacal Casir, waxaase marar badan oo hore fashilmay isku day la doonayay in xilka looga qaado.

Mooshinkan ayaa loo maleynayaa in uu soo dadajiyay hadalkii maalintii shalay guddomiye Casir uu ka jeediyay furitaanka Kalfadhigga Afaraad ee golaha Shacabka Soomaaliya isaga oo siweyn u weeraray go’aankii hoggaamiyayaasha dowlad gobolleed-yada ee ka soo baxay shirkii Kismaayo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]