4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 11, 2018
Golaha wasiirrada Puntland oo taageerray go'aamadii ka soo baxay shirka Kismaayo

 

Talaado, September, 11, 2018 (HOL)– Golaha wasiirrada Puntland oo kulan deg deg ah maanta ku yeeshay xarunta madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe ayaa soo dhaweeyay dhammaan go'aamadii ka soo baxay shirkii hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada ee Sabtidii lugu soo gabagabeeyay magaalada Kismaayo.

"Golaha xukuumadda oo ku dheeraaday geeddi-socodka siyaasada dalka ayaa si buuxda u taageerary dhammaan go’aamadii kasoo baxay Golaha Iskaashiga dowladdaha xubinta ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya ee Kismaanyo lagu gaaray."ayaa lugu yiri warsaxaafadeed uu baahiyay xafiiska madaxweynaha Puntland oo looga hadlay qodobbada ka soo baxay shirka.

Kulanka golaha wasiirrada oo u guddoominayay madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas waxaa kalo looga hadlay arrimaha kala ah amniga iyo habsami socodka dhismaha waddada Jalam- Gaalkacyo . Waxaa lugu sheegay warsaxaafadeed shirka looga inuu wanagsanyahay amniga,iyadoo shacabka loogu baaqay si dhow inay ula shaqeeyaan laamaha amniga.

Wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka ee Puntland ayaa kulanka ku soo bandhigtay qiimeyn ay -ku sameysay habsami u socodka dhismaha waddada halbowlaha ah ee isku xirta Jalam iyo Gaalkacyo,kaddib markii dhawaan dowladda Jarmalka oo mashruucan taageerraysay ay si cad u sheegtay in la joojiyay,iyadoo go'aanka loo sababeeyay masuqmaasuq hareeyay hannaankii loogu tagalay mashruuca inuu ku fulo, balse wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka ee Puntland waxaa ay sheegtay in sidii loogu talagay mashruucu u socdo isla markaana uu ku dhammaan doono mudadii loo qorsheeyey.

"Golaha xukuumadda Puntland waxay shacabweynaha Puntland u sheegayaan in mashruucaasi si baaxad leh u socdo dowladduna ay xilweyn iska saareyso dabagalkiisa iyo hirgalintiisaba, iyadoo asbuucaan la billaabayo wajigii koowaad ee daamur saarida Burtinle-Xarfo." ayaa lugu yiri warsaxaafadeedka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online