4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 11, 2018
Xukuumadda Somaliland oo si juujuub ah kula wareegay Haamaha Shiidaalka ee Berbera

 

Talaado, September, 11, 2018 (HOL)– Tan iyo intii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu go’aanka ka soo saaray in Kaydka haamaha shiidaalka ee Berbera ku soo celinayo gacanta dawladda waxay dhalisay is faham waa ku kala dhex dhacay iyaga iyo ganacsataddii maamuli jirtay oo ku doodaya in lacag badan kaga maqantahay maalgashi ay ku sameeyeen Haamaha.

Shirkadaha gacanta ku hayey ayaa iyagu sheegtay in lacag badan galiyeen dib u dhiska Haamaha Shiidaalka oo muddo sanad ah ay maamulayey, waxaanay dawladda ka dalbadeen ilaa intii lacagtii ka gashay loo celinayo aanay wareejinayn,taas oo ay isku fahmi waayeen guddi loo xil saaray wareejintaasi iyo shirkaddii maamulaysay haamaha.

Ka dib markii la isku afgaran waayey in dib loogu soo celiyo gacanta dawladda haamaha Kaydka Berbera ee shiidaalka waxa si jujuub ah shalay kula wareegay xukuumadda, haseyeeshee waxa goobtii ay kula wareegayeen aan ka soo xaadirin shirkadihii maamulayey marka laga reebay hal qof oo ka mid ahaa 11 ganacsade ee shuraakada ku ahaa maamulka haamaha.

 

Masuulkii madaxweynuhu usoo magacaabay maamulka Haamaha waxa ku wareejiyey ganacsade Cali Ciise (Cali Waraabe) oo ah shakhsiga kaliya ee xil wareejinta yimid ee ka mid ahaa ganacsataddii shuraakadda ku ahaa maamulka Haamaha, halka intii kale aanay ka soo xaadirin xil wareejintaasi.

“maanta waxaan idinku wareejinaynaa Haamo dhisan waanu balaadhinay oo halka booyadaha lagaga shubo shiidaalka oo markiiba afar gaadhi gali jireen imika sideed gaadhi baa hal mar galla, hadii aanu ganacsato nahay mucaarad maba noqono oo maalinba kii kursiga ku fadhiya ayuun baanu taageerna”ayuu yidhi ganacsade Cali Waraabe.

Maareeyaha cusub ee Kaydka Haamaha Berbera Xasan Axmed Anbasi ayaa soo dhoweeyey la wareegidda Haamaha, waxaanu sheegay inay si wanaagsan u wada shaqayn doonaan iyaga iyo ganacsatadda adeegsada Haamaha shiidaalka ee Berbera.

Tan iyo intii khilaafka ganacsatada maamuli jirtay haamaha iyo xukuumadda bilaabantay waxa sare u kacay shiidaalkii oo la sheegay in hakad uu soo gallay shiidaalkii ay dalka keeni jireen,taasina ay sababtay qaaliga shiidaalka ku yimid.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.